WEEDHA WARGEYSKA Isbedellada Adduunka ka Socda iyo Qorshaha Qarankeena JSL

0
46

 

Ma qariibsanayno in xiisada kumanaanka qof nololshooda galaafatay ee Bariga dhexe ka aloosan, gaar ahaan colaada ka soo cusboonaatay carriga Falastiin iyo Yuhuuda ay wax weyn ka bedesho juquraafiyada adduunka iyo awooddaha maamul ee gobolkaasi. Sidoo kale gulufka uu Ruushku ku qaaday Waddanka Ukraine ee sanadkii labaad galay saameynta istaraatiijiyaddeed ee uu leeyahay waxa laga garan karaa cawaaqibka uu caalamka ku soo kordhiyey ama uu ku yeeshay dunida oo dhan markii qarxay.

Marka laga hadlayo diblomaasiyada iyo xidhiidhka caalamiga ah, adduunka waxa ka socda loollan ku salaysan weerar iyo weerar-celis, waxaanay dalalku u qaybsan yihiin kuwo halgan ugu jira horumarinta dannahooda, siyaasaddeed, nabad-gelyo, dhaqaale iyo istaraatiijiyaddeed, iyagoo ku dabaqaya mida ay caalamka ka leeyihiin iyo kuwo difaac ugu jira ilaalinta masaaliixdooda gacanta ugu jira oo ay ku taxaluqinayaan meeqaamkooda caalamiga ah. Waxa lagu hirdamayaana waa khayraad Dhul, Bad iyo deegaamo Milateri.

Tartanka u dhexeeya quwadaha aan wali isku-dheelitirnayn ee dunida ka socdaa, waxa uu sanadba sanadka ka dambeeya sii shiiqinayaa inay cid kaliya adduunka Bilays oo ay ka taliso, waxaanay taasi ku sii dhaweynaysaa in la waajaho deegaan ay ka arrimiyaan afkaar iyo aragtiyo isku awood ah oo isdiidan, kuwaasoo xifaaltankoodu uu jahawareer iyo xasilooni darro ku keeno bulshooyinka caalamka. Tani mar waa faa’iddo oo dawladdaha iyo dadyowga Ilbaxa ahi waxa ay dhistaan Istaraatiijiyado ay ku dheeli-tirayaan la tacaamulka hirdanka quwadaha isbaacsanaya. Marna waa khasaare iyo halis mushkilad u horseeda nidaamyada aan qorshaha ka samaysan buska iyo guuxa dabeylaha iska hor imanaya.

Marka ay sidaas tahay, colaaddo badan oo adduunka qaybo kamida ka socdaa, waxa dhici karta inay dadka in kooban iyo dawladduhu fahamsan yihiin meesha ay ku arrooraan iyo asbaabaha keenay, laakiinse ay bulshada caadiga ah inteeda ugu badan ay war moog ka yihiin, iyadoo ay taasi jirto waxa ay dunida aan xogogaalka ahayni dhaxlaan waa keliya natiijooyin xun ee ka dhashay, iyadoo aynu tusaalle u qaadan karno maxsuulka cunto-yaraaneed iyo xasilooni-darrada dhanka Tamarta ee uu sababay Dagaalka Ukraine iyo dhibaatada xooggan ee uu todobaad gudihii geystay dagaalka u dhexeeya Yuhuuda iyo kooxaha Iska caabinta Falastiin, kaasoo soo dedejiyey in durba laga werwero in sicirka Saliidu cirka isku-shareero iyo in isku-dhacyo colaada sii daba dheereeyaa ka dhacaan gobolka Bariga dhexe.

Xaaladan marka laga hadlayo, masiibada ugu weyn ee teer iyo Sabtidii hore caalamku daawanayaa waa gumaadka dadka shacabka ee reer Falastiin ay ku hayaan Milateriga Israel, taasoo ay dunidu laba ugu qaybsantay joojinteeda. Qayb taageersan in la xasuuqo dadka degen Marinka QASA oo waliba xoog iyo dhaqaale ku caawinaya kuwa duqeynaya dadka aan hubaysnayn iyo qayb dhaleecaynaysa oo dhexdhexaad iyo dhinacba isugu jira, hase yeeshee muujinaya dareen aakhirka isugu riixi kara inay isgarab taagaan dhib-geysteyaasha ka dibaaqaya duruufaha ay wakhtiga dheer ku noolaayeen (waa dhaqdhaqaaqa Xamaas iyo shacbiga falastiin).

Khubarada diblomaasiyadda iyo amniga ee caalamku waxa ay qabaan oo ay ku abla-ableeyen dagaalkan bilaabmay todobaadkii hore inuu sida uu lama filaanka ugu qarxay uu u keeni karo isbedello lama filaan ah, waxaana taasi xoojinaya sida ay dawladdaha waaweyn ee caalamka, gaar ahaan Maraykanka iyo xullafadiisa galbeedku u muujiyeen sarriigashada aan caadiga ahayn ee ay ugu hiilinayaan Yuhuuda.

Gobolka Bariga dhexe waxa uu kamid yahay goobaha Istaraatiijiga ah ee ay reer Galbeedku gacan ku hayntooda gorgortanka ka geli Karin, taas ayaana maalmahan looga talaabsaday ilaalinta qaar kamida shuruucda caalamiga ah ee lagu dhisay Qaramada Midoobay, gaar ahaan cahdiyada la xidhiidha xuquuqda Aadamaha, xakamaynta hubka iyo burburinta xarumaha ka caaggan waxyeellada dagaallada, sida guryaha shacabka, Cisbitaallada iyo goobaha Kaabeyaasha aasaasiga bulshada.

Halkan(marinka GAZA), waxa ka muuqda loollanka quwadaha reer Galbeedka iyo reer Barigu hurinayo colaaddii muddada dheer soo jiitamaysay oo ay iminka xaaladu noqon doonto mid abuurta awooddo isku-dhadhaw oo Yuhuud iyo Falastiin ka jira, taasi waa haddii ay wadamada gobolka iyo daneeyayaasha reer Bariga oo uu Ruushku hogaaminayaa ku guulaystaan qorshaha taageerada kooxaha Falastiin, in arrintaasi suurowdaana waxay laf-jab ku tahay Maraykanka iyo saaxiibaddiisa Galbeedka,waana isbedel weyn oo ay saadaalinayaan mufakariin badani.

Haddaba, haddii ay dhacdooyinkan isbedellada xooggan keenayaa adduunka gilgilayaan, isla markaana dagaallada socda ee hubaysan ay boqol laab ka badan yihiin kuwa qarsoon ee lagu shirqoolayo dawladdaha iyo gobollada ay isdiidmooyinku saameynayaan, waxa muhiim ah inay Jamhuuriyadda Somaliland dadkeeda iyo dawladduba si qoto dheer uga foojignaadaan arrimaha socda,kana yeellano qorsheyaal ban iyo bog yaal ah dabeylaha Bari iyo Galbeed iska hirdiyaya ee dunida gilgilaya, kuwaasoo marka bariga dhexe ee fog laga yimaado si cad u sameeyey Wadamada deriskeena badankooda, una geystay qaarkood dhibaatooyin badan, kuwana ay tunka iyo tagoogaha ku sidaan danno isdiiddan oo haddii ay isdaarraan qaraxoodu sahayannayo jiritaankooda.

Sidaasi, waxa aan u leenahay Geeska Afrika ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku taallaa waa bogcad kale oo kamida goobaha xudunta u ah loollanka quwadaha adduunka, sidaasi awgeed ayeyna u tahay Waddan ay si weyn u danneeyaan Dalalka waaweyn, sida Maraykanka, Ingiriiska iyo saaxiibo kale, isla kuwaas cakiskoodana ay duurka ugu jiraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Ruushka, Shiinaha iyo saaxiibaddooda degelka iyo dunida kale kula xifaaltamayaa. Marka aynu taasi dareensanahayna waxa waajibku ina farayaa inaynu noqono qaran isku-kalsoon, adkaysina u leh maareynta iyo la-tacaamulka danaha tartanka socda ee bariga iyo Galbeedka.

Waxa sidoo kale quman inaynnaan noqon Qaran u rahman hal dhinaca qudha siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo Iskaashi ahaanba, kaasoo u janjeedha daraf qudha oo kamida dhinacyada aynu kor ku xusnay, balse waa inaynu noqonnaa dawlad kal furan iyo arragti balaadhan ka leh waxa caalamka ka socda, isla markaana kula gorgortanta cid walba dannaha ay isdhaafsanayaan.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here