Wararka ugu waaweyn suuqa kala iibsiga ciyaaraha ee caawa

0
21

Ciyaaryahanka difaaca dambe ee Leicester, Wesley Fofana ayaa baaritaan caafimaad ku maraya dalka Mareykanka si uu ugu biiro kooxda Chelsea. Kooxda Leicester oo muddo dheer ku dhaggeneyd xiddigan reer France ayaa sheegtay inay ugu dambeyn ku guuldareystay inay ku qanciso damaceeda ah in uu sii joogo garoonka King Power.  (TheAthleticUK)

Manchester United waxay weli ku raadjoogtaa saxiixa goolhaye Martin Dubravka ee kooxda Newcastle. Kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford ayaa amaah ku dooneysa xiddigan. Dubravka ayaa si cad ugu wargeliyay kooxda garoonka St James’ Park ku dheesha in uu doonayo in uu ku biiro Manchester kaddib markii lambarka uu xiran jiray lagu wareejiyay Nick Pope. (Skysport)

Edinson Cavani ayaa isaga huleelay horyaalka Ingiriiska iyo Manchester United isaga oo kooxda Valencia u saxiixay heshiis labo sano ah. Waxaa la filayaa in uu kasoo muuqdo garoonka Mestalla oo ay Valencia ku martigelineyso Atletico Madrid caawa. (Metro)

Kaddib toddobaad isjiidjiid ah, Wolves ayaa ugu dambeyn heshiis kala gaartay kooxda Stuttgart, weeraryahanka Sasa Kalajdzic. Waxay bixin doontaa €18m, iyadoo lagu wado in Kalajdzic uu maro tijaabo caafimaad. (Romano)

Kooxda Nottingham Forest ayaa ku dhow inay gasho saxiixii 19aad ee xilli-ciyaareedkan. Gorgortan ay ku dooneyso difaaca dhexe Willy Boly ayaa gebogebo maraya. Xiddiggan ayaa la tuhunsan yahay in uu diiday in uu u safto kooxda uu la joogo ee Newcastle toddobaad-dhammaadkii dhawaa. (Romano)

Chelsea ayaa dib u soo celisay xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka weerarka uga dheela Crystal Palace iyo Ivory Coast ee Wilfried Zaha oo 29 jir ah, hase yeeshee weeraryahanka Barcelona iyo xulka qaranka Gabon Pierre-Emerick Aubameyang, oo 33 jir ah, ayaa bartilmaameedkooda koowaad ah. (Guardian)

Arsenal ayaa sidoo kale xiiseynaysa saxiixa Zaha, waase haddii uu guul-darreysto isku daygooda ciyaaryahanka garabka ka weerartama ee Wolves’ una dhashay Portugal Pedro Neto oo 22 jir ah, ama Yeremy Pino oo ah 19 jir Khadka dhexe uga ciyaara Villarreal oo ka dhisan Spain. (Dean Jones, via Express)

Sidoo kale, Manchester United ayaa wax ka ogaanaysa suurtagalnimada heshiis ay ugu dhaqaado dhanka Aubameyang. (Caught Offside)

Cristiano Ronaldo oo u ciyaara kooxda Manchester United iyo xulka Portugal ayuu wakiilkiisu dib ugu noqday Chelsea si uu u ogaado haddii ay daneynayaan in garoonka Stamford Bridge uu u wareego weeraryahanka oo 37 jir ah. (Independent)

Ajax waxay isku dayaysaa inay beegsato ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Morocco ee Hakim Ziyech oo 29 jir ah, si uu beddel ugu noqdo Antony oo ah 22 jir, kaas oo ay kooxdu aqbashay lacagtii ku gorgorisay Manchester United. (Mail

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here