Waar ma Run mise Been ?

0
23

Waar ma Run mise Been ?

 

Dalka Somaliland waxaan ku soo arkay Dawladnimo xididaysatay oo aan is barbar-yaac iyo iska daba wareeg aan lahayn oo kala danbayn dawladnimo ay ka jirto, dalkuna uu leeyahay Madaxweyne go’aankiisa ku socda oo aan la barbar cararin, la hoos cararin ama la daba cararin oo nidaam dawladnimo oo kala danbayn leh Dalka ka hir geliyay mudada uu xukunka haystay.

 

Khuraafaadka la sheego ee ay ka mid yihiin HEEGO, ama dad si kale awoodaha Madaxweynaha u isticmaala ayaa jira cidii tidhaahdaa been cad ayay sheegayaan, waana waxba kama jiraan, mana jiro oo maan arag, la iimana sheegin qof ku dhici kara ama xataa ku diirran kara inuu Awwooda Madaxweyne Muuse Biixi cid kale ama sifo khaidan u isticmaalo.

 

Ma jiro masuul dawladeed ama Wasiir ama Agaasime tiisa ku socon kara, marka laga reebo wixii shaqadiisa ku saabsan ee sharcigu u ogol yahay.

 

Dabcan Madaxweynuhu Malag maaha, khalad iyo saxba waa lagala kulmi karaa xukunkiisa, balse waxaa hubaal inay inaga dhamaatay is barbaryaacii Dawladnimo ee hore u jiri jiray.

 

Taasiba miyaanay ahayn Guul uu Qaranku gaadhay oo Madaxweyne Muuse Biixi lagu ammaani karo?

 

Mise inta xun iyo wegerta ayuun baynu mar kasta wax ka eegnaa…? Miyaanay waajib ahayn wixii fiican ee la qabto inaynu sheegno.

 

Horta Odaygii Saleebaan-gaal Kartoonkii Roobkii ma ka xareeyay weli?

 

Amb Kayser Maxamed .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here