TOP 20: Labaatanka Ciyaartoy Ee Ka Dheela Horyaalka Premier League Ee Ku Lug Yeeshay Goolasha Ugu Badan

0
26

 

 

Ciyaartoyda caawinta iyo goolasha ugu badan ka sameeyey horyaalka Premier League ee wali kasii ciyaaraya horyaalka Ingiriiska ayaa lasoo saaray, waxaana kaalinta koowaad xoogsaday Harry Kane.

Weeraryahanka reer England ayaa inkasta oo uu xilli ciyaareed xun ku jiro, waxa uu haddana awooday inuu kaalinta koowaad haysto, sababtoo ah, sannadihii ugu dambeeyey ayuu dhalin iyo caawin wada socda is-garab waday.

Xiddigaha ku lug yeeshay goolasha ugu badan oo ah isku-darka dhalinta iyo caawinta, waxa uu Kane booska koowaad ku haystaa 211 goolal iyo caawin ah. Waxa uu dhaliyey 171 gool iyo 40 caawin ah.

Xiddiga Manchester City ee Raheem Sterling ayaa ku jira kaalinta labaad, halka booska ugu dambeeya ee 20aad uu haysto Wilfried Zaha oo 93 gool ku lug yeeshay, kuwaas oo ugu qaybsan 52 uu dhaliyey iyo 41 uu caawiyey.

Sadio Mane oo Axaddii ay u ahayd habeenkii ugu farxadda badnayd noloshiisa markii uu xulka dalkiisa u qaaday koobka qaramada Afrika ayaan ku jirin liiskan, laakiin waa ciyaartoyga 30aad ee laga soo bilaabo 1992/93 dhaliyey ama caawiyey goolasha ugu badan horyaalka Premier League.

Halkan kaga bogo 20ka ciyaartoy ee Premier League ee goolasha ugu badan ku lug yeeshay, illaa haddana ka ciyaara Premier  League

  1. Wilfried Zaha (Crystal Palace) – 93

Goolasha Uu Dhaliyey: 52

Caawiyey: 41

  1. Marcus Rashford (Manchester United) – 97

Goolasha Uu Dhaliyey: 59

Caawiyey: 38

  1. Christian Benteke (Crystal Palace) – 109

Goolasha Uu Dhaliyey: 86

Caawiyey: 23

  1. Juan Mata (Manchester United) – 115

Goolasha Uu Dhaliyey: 51

Caawiyey: 64

  1. Christian Eriksen (Brentford) – 118

Goolasha Uu Dhaliyey: 51

Caawiyey: 67

  1. Gylfi Sigurdsson (Everton) – 119

Goolasha Uu Dhaliyey: 67

Caawiyey: 52

  1. Roberto Firmino (Liverpool) – 120

Goolasha Uu Dhaliyey: 70

Caawiyey: 50

  1. Heung-min Son (Tottenham Hotspur) – 125

Goolasha Uu Dhaliyey: 78

Caawiyey: 47

  1. Riyad Mahrez (Manchester City) – 126

Goolasha Uu Dhaliyey: 72

Caawiyey: 54

  1. Kevin De Bruyne (Manchester City) – 129

Goolasha Uu Dhaliyey: 48

Caawiyey: 81

  1. Ashley Young (Aston Villa) – 135

Goolasha Uu Dhaliyey: 47

Caawiyey: 88

  1. Theo Walcott (Southampton) – 138

Goolasha Uu Dhaliyey: 78

Caawiyey: 60

  1. Cristiano Ronaldo (Manchester United) – 140

Goolasha Uu Dhaliyey: 92

Caawiyey: 48

  1. James Milner (Liverpool) – 142

Goolasha Uu Dhaliyey: 55

Caawiyey: 87

  1. Sadio Mane (Liverpool) – 147

Goolasha Uu Dhaliyey: 103

Caawiyey: 44

  1. Mohamed Salah (Liverpool) – 160

Goolasha Uu Dhaliyey: 113

Caawiyey: 47

  1. Romelu Lukaku (Chelsea) – 161

Goolasha Uu Dhaliyey: 118

Caawiyey: 43

  1. Jamie Vardy (Leicester City) – 171

Goolasha Uu Dhaliyey: 127

Caawiyey: 44

  1. Raheem Sterling (Manchester City) – 175

Goolasha Uu Dhaliyey: 103

Caawiyey: 7

1.Harry Kane (Tottenham Hotspur) – 211

Goolasha Uu Dhaliyey: 171

Caawiyey: 40

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here