Shirkaddii Arsenal Iibsanaysay Ee Spotify Oo La Wareegaysa Magaca Garoonka Barcelona Ee Camp Nou

0
25

 

 

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa u dhow in ay heshiis saddex sannadood soconaya la gaadho shirkadda muusikada ee Spotify, taas oo la wareegaysa magaca garoonka Camp Nou oo lagu beddeli doono Spotify.

Barcelona oo dhibaato xun oo dhaqaale ay haysato ayaa meesha ka saari doonta magaceeda Camp Nou ee muddada dheer soo jiray, waxaana hadda lagu ladhi doonaa mid kale oo xagga dambe kasii raacaya.

Heshiiska ayaa la filayaa toddobaadka soo socda la dhamaystiro, sida ay sheegtay warbaahinta RAC1, waxaanay sannadkii Barcelona heli doontaa lacag gaadhaysa 93 milyan oo Euro, taas oo ka dhigaysa tirada lacagta ay saddexda sannadood ka qaadayso Spotify 280 milyan oo Euro.

Garamada ay ku ciyaarto Barcelona iyo kuwa tababarka ee ragga iyo dumarka ayaa lagu qori doonaa magaca Spotify muddada saddexda sannadood ah ee uu socdo heshiiskani, waxaana magaca garoonku noqon doonaa Camp Nou Spotify.

Shirkadda Sportify ayaa beddeli doonta Rakuten oo ay hadda hayaysiiso Barcelona, taas oo heshiiskeedu uu ku egyahay bisha June ee sannadkan.

Barca ayaa shirkadda reer Japan waxay sannadkii ka qaadi jirtay lacag gaadhaysa 55 milyan oo Euro, hase yeeshee heshiiskaas qayb kama ahayn kooxda haweenka ee Barcelona oo iyaduna xayaysiisa shirkad Maraykanka laga leeyahay oo magaceeda la yidhaahdo Stanley, taas oo sannadkii bixisa 3.5 milyan oo Euro.

Spotify ayaa waxa iska leh bilyaneerka reer Sweden ee Daniel Ek oo dhawr jeer isku dayay in uu iibsado kooxda horyaalka Premier League ee Arsenal, taas oo uu Karanka ka diiday.

Ciyaartoydii hore ee Arsenal ayaa u ololaynaya illaa hadda in Karanka uu Arsenal ka iibiyso Daniel Ek oo taageere weyn u ah kooxdan, isla markaana diyaar u ah inuu ku sameeyo maalgelin si ay ugu tartami karto horyaalka Premier League oo ay ugu dambaysay 19 sannadood ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here