Shiinaha oo shaaciyay dhacdo ku saabsan ciidankiisa iyo markab dagaal oo Mareykan ah

0
25
Markab
Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay uu si sharci darro ah u galay biyahooda u dhow jasiiradaha lagu muransan yahay ee Badda Koonfurta Shiinaha.

Beijing ayaa intaas ku dartay in ciidanka Shiinaha ay durbadiiba baacsadeen markabkaas oo si khasab ah dib loogu celiyay, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ayaa dhoollatus iyo tababarro joogto ah ka sameeya biyaha Badda Koonfurta Shiinaha, arrimahaasoo ay Washingtong ku tilmaanto howlgallo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo xor ah.

Mareykanka ayaa sheega in Shiinaha iyo waddamada kale ee sheegta lahaanshaha biyahaas ay hor joogsadaan in aaggaas la maro.

Maalintii Isniinta ahayd ayay ku beegnayd sanad guuradii lixaad ee kasoo wareegtay markii ay guddi caalami ah soo saareen go’aan ay ku diideen sheegashada Shiinaha ee Badda Koonfurta Shiinaha.

Ganacsi ku kaca ilaa saddex tirilyan oo doolar ayaa sanad walba laga sameeyaa biyaha baddaas.

Markab

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Hase ahaatee, Shiinaha ilaa hadda ma uusan sheegin in uu aqoonsan yahay go’aankaas.

Taliska ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegay in markabkooda, oo lagu magacaabo USS Benfold, uu howlgal uu xaq u leeyahay ku maray jasiiradaha Paracel ee Badda Koonfurta Shiinaha, sida uu qabo sharciga caalamiga ah.

Shiinaha ayaa sheegay in uusan kasoo hor jeedin dhaqdhaqaaqyada socdaalka badda ee xrota ah, balse waxa uu Mareykanka ku eedeeyay inuu si ulakac ah u abuurayo xiisad.

Taliyaha Militeriga Shiinaha ayaa sheegay in Markabka dagaal ee Mareykanku uu leeyahay uu gudaha u galay biyahooda ku dhow jasiiradaha Paracel, uuna dhowr jeer ku xad gudbay madaxbannaanida Shiinaha.

Waxaa xusid mudan in dalalka Vietnam iyo Taiwan ay labaduba sheegtaan lahaanshaha jasiiradahaas oo ay xadkooda wadaagaan.

Markab

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Militeriga Shiinaha ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in lagu amray inay eryadaan, u kuur galaan, u digaan islamarkaana dib u celiyaan markabka Benfold.

Waxay sheegeen in Mareykanku uu “khatar amni ku yahay” Badda Koonfurta Shiinaha, uuna “wax u dhimayo nabadda iyo xasiloonida gobolka.”

Saraakiisha ciidanka badda ee Mareykanka ayaa dhankooda sheegay in warka kasoo baxay Shiinaha uu yahay mid been abuur ah.

Sanadkii 1974-kii, Shiinaha ayaa la wareegay gacan ku haynta jasiiradaha Paracel, xilligaas oo uu ka qaatay dowladdii Koonfurta Vietnam.

Xilligaas kaddib Shiinaha waxa uu jasiirado macmal ah ka sameeyay halkaas, sidoo kalena waxa uu ku leeyahay saldhigga ciidamada cirka.

Dhowr jeer ayaa walaac laga muujiyay ujeeddooyinka ay Beijing ka leedahay jasiiradahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here