Shan faa’iido oo laga helo biyaha qumbaha

0
28
Biyaha qumbaha

Biyaha qumbaha ayaa mararka qaarkood lagu tilmaamaa in ay yihiin cabitaan mucjiso ah. Jo Lewin oo ku takhasusay cuntootinka nafaqada ah ayaa sharaxaya sheegashooyinkan caafimaad.   

Muddo dheer ayey jirtay aragtida ku saabsan in faa’iidooyin caafimaad oo badan laga helo biyaha qumbaha, oo sidoo kale aan ognahay in waxyaabo kalena laga sameeyo, sida nooc ka mid ah saliidda.

Maxay yihiin biyaha qumbaha?

Cabista biyaha qumbaha

Biyaha qumbaha waa dareere cad oo laga helo gudaha mirta cagaarka ah ee qumabaha aan weli bislaan.

Qumbaha cagaaran ayaa mudnaanta la siiyaa sababtoo ah biyahiisa aad bay u dhadhan fiican yihiin, muggooduna wuu badan yahay, sidoo kale si fudud ayaa loola soo bixi karaa.

Dhandhanka biyaha qumbaha wey kala duwan yihiin iyadoo ay ku xiran tahay halka laga beero.

Nafaqada guud ee ku jirta biyaha qumbaha

100 mililiter oo biyaha qumbaha ah waa ku jira:

18Kcal / 75KJ

0.2 garam oo borotiin ah

0.0g oo dufan ah

4.1g Carbohydrates ah

4.1g Sonkor ah

165 miligaram oo potassium ah

5-ta faa’iido ee caafimaad ee ugu sarreeya biyaha qumbaha
Biyaha qumbaha

1. Isha macdanta ee dabiiciga ah

Biyaha qumbaha waa isha macdanta dabiiciga ah, oo waxaa ku jira potassium, magnesium, calcium iyo sodium.

Qaar badan oo naga mid ah kuma filna macdanahan muhiimka ah oo door weyn ka ciyaara shaqooyinka jirka oo dhan, oo ay ku jiraan caafimaadka wadnaha iyo shaqada lafaha iyo murqaha.

Run ahaantii, qaar ka mid khuburada ayaa sheegaya in biyaha qumbaha ay la siman yihiin macdanaha dheelitiran ee laga helo cabitaanada la yirahdo “isotonic” ee tamarta laga helo.

Waxaa jira cuntooyin badan oo qani ku ah potassium-ka kuwaas oo laga yaabo inay ka jaban yihiin kana badan yihiin biyaha qumbaha.

2. Waxaa laga yaabaa in ay ku jiraan nafaqooyinka difaaca unuqyada ee loo yaqaano ‘Antioxidant’

Cilmi-baarisyada xayawaanka ayaa waxay soo jeedinayaan in biyaha qumbaha ay ku jiraan nafaqooyinka ilaaliya unugyada jirka.

Labo ka mid ah nafaqooyinka loo yaqaan ‘phytonutrients’ ee ku jira biyaha qumbaha ayaa leh saamayntan. Waxaa la kala yiraahdaa “shikimic acid” iyo “caffeic acid”.

Kaddib markii lagu tijaabiyay xawaanka ayaa waxaa la ogaaday inay hoos u dhigaan  calaamadaha kolestaroolka, taasoo sare u qaadeysa caafimaadka beerka.

Si kastaba ha noqotee, ilaa maanta, ma jiraan daraasado lagu sameeyay bini’aadanka oo taageraya kuwa xawaanka.

Qumbaha

3. Waxay kaa caawin karaan maareynta sonkorta ku jirta dhiigga

Daraasadaha lagu sameeyay xayawaanku waxay soo jeedinayaan in biyaha qumbaha ay gacan ka geysan karaan maaraynta maaddada “glycemia” oo ay yareeyaan xaaladaha caafimaad darro ee soo wajaha jirka, sida sonkorowga.

Isha magnesium-ka ee ku jirta biyaha qumbaha waxay sidoo kale gacan ka geysan kartaa maareynta sonkorta ku jirta dhiigga, gaar ahaan dadka qaba cudurka macaanka.

Inkasta oo daraasadaha xayawaanku ay u muuqdaan kuwo dhiirigelin ah, cilmi-baaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo qiimeeyo saameynta dhinacaaadanaha.

4. Waxay kaa caawin karaan ka hortagga dhagxaanta kelyaha

Isticmaalka dareere ku filan jirka ayaa muhiim ah si looga hortago samaynta dhagxaan kelyaha ku beerma.

Daraasaduhu waxay soo jeedinayaan in cabitaanka biyaha qumbaha aysan kaliya dhimin tirada dhagxaanta, laakiin sidoo kale waxay u muuqataa inay ka hortagayaan inay dhagxaanta ku dhegaan kelyaha iyo kaadi mareenka.

5. Waxaa laga yaabaa inay cawiyaan firficoonida ciyaartooyda

Biyaha qumbaha

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waxaa la soo jeediyay in cabbitaanka biyaha qumbaha ay sare u qaadeyso firfircoonida dadka ciyaara isboortiga.

Sababtoo ah waxaa ku jira carbohydrate-yada u shaqeeya qaabka gulukooska (sonkorta fudud) oo ay weheliyaan macdanta sodium iyo potassium kuwaas oo sidoo kale ku jira  cabitaannada ciyaartooyda ay isticmaalaan ee tamarta laga helo.

Daraasad la sameeyay ayaa daaha ka qaadday in cabitaanka biyaha qumbaha ka hor jimicsiga ay kor u qaadeyso awoodda jimicsiga.

Daraasad kale ayaa daaha ka qaadday in cabista biyaha qumbaha kaddib jimicsiga ay kaa caawinayaan inaad fuuq baxdo si la mid ah cabitaanka isboortiga ee ay ku jiraan carbohydrate-yada iyo macdanta kala duwan.

Biyaha qumbaha qof kasta ma isticmaali karaa?

Dadka intiisa badan, biyaha qumbaha waa ay isticmaali karaan. Hase yeeshee haddii ay kalyahaaga fariisteen waxaa laga yaabaa inaysan noqon isha ku habboon ee fuuq-celinta caadiga ah.

Intaa waxaa dheer, biyaha qumbaha waa isha laga helo carbohydrate-yada fudud, marka haddii aad leedahay cudurka macaanka, la tasho dhakhtarkaaga guud marka hore ka hor inta aadan isticmaalin biyaha qumbaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here