SALAFIYA/WAHAABIYA:HALISTA UGU WEYN EE MUSLIMIINTA

0
24
SALAFIYA/WAHAABIYA:HALISTA UGU WEYN EE MUSLIMIINTA

 November 2, 2020 – Written by hamse garaad biciide

11/2/2020 SALAFIYA/WAHAABIYA:HALISTA UGU WEYN EE MUSLIMIINTA
https://burcoonline.com/articles/99238/SALAFIYA-WAHAABIYAHALISTA-UGU-WEYN-EE-MUSLIMIINTA 2/6
hor istaagtana ma jirto.Maantana waan aragnaa inta dab ay shideen iyo
burburka ay ka geysteen
dalalka ay ku faafeen. Salafiyadu wax badan bay la wadaagaan madhabadaha sunniga,siiba Xanbaliyada oo ay fiqiga iyo
caqiidada ka qaataan.Waxay kale oo dadka ku khayaamaan ayagoo sheegta
in ay mad-habta dalka
laga haysto raacaan si aan looga didin.Waxay kaloo dadka ku siraan
muuqaalkooda diineed sida qamiis,cimaamad,gar weyn,surweel kor loo
qaaday iyo indhashareer.Dalalka aan carabta ahayn kuwa
joogaa waxay magacooda raaciyaan “abuu” iyo “umm”,sida Abuu Axmed ama
Umm Axmed,waana baaq ay isku gartaan.Halistu maaha muuqaalladaas ama
mad-habta Xanbaliyada,waase waxa u goonida ah oo keenay inay magac u
gaar ah yeeshaan.
Waxyaabaha u goonida ah waxaa ugu halis badan gaalaysiinta cid kasta oo
aan iyaga ka mid noqon
ama durta falalkooda iyo raadinta waxa ay ugu yeeraan “dawlad islaami
ah”.Tan hore,waxay ku andacoodaan inay iyagu raacaan kitaabka iyo
sunnaha,cidda aan iyaga raacinna ay diiddan yihiin
kitaabka iyo sunnaha,taasoo gaalnimo ah.Muslimiinta qolo kastaa si bay u
fahantay kitaabka iyo
sunnaha,waana tan keentay in la kala duwanaado.Waxay si aan habboonayn
u daliishadaan aayadda 59 ee suuradda Alnisaa oo faraysa in wixii la isku
khilaafo loo celiyo Alle iyo Rasuulka.Aayaddu ka
hadli mayso dad isku khilaafay sida loo fahmayo Quraanka iyo sunnada
qudhooda.In dadku si kala duwan u fahmo nusuusta diinta,qolo kastana ayadu
isla saxan tahay waa wax dabiici ah.Imaam Alshaafici hadal wax ku ool ah
ayaa laga dhaxlay oo nuxurkiisu yahay in qof kastaa asagu isla saxan
yahay,laakiin ay dhici karto inuu khaldan yahay.Salafiyadu inay isla
qummanaadaan ma xuma,laakiin
markay ku adkaystaan in keligood saxan yihiin dadka kalena gaaloobayaan
hadday iyaga khilaafaan waa foolxumo iyo gardarro.Isla weynidaas waxay
gaarsiisay inay isu arkaan inay joogaan meeshii nebiga(NNKA) iyo
saxaabada,dadka ka duwanina meeshii gaaladii Quraysh.Waxay
bannaysanayaan
dhiigga dadka khilaafsan oo loo adeegsanayo awoodda dawladda hadday
talada haystaan,haddii
kalena sidii maafiyada lagu tooganayo suuqa dhexdiisa.Waana sababta
Shabaab iyo ururrada kale ee Salafiyadu u xasuuqayaan dadka muslimiinta
ah.Waxay ku xukumayaan inay dadkaasi
riddoobeen,dhiiggooduna bannaan yahay.Haddii dadku is khilaafo waxaa kala
saara qolo dhexdhexaad ah,laakiin Salafiyadu ayagoo doodda qayb ka ah
ayey haddana garsoore iska dhigayaan
oo dil ku xukumayaan cidda diiddan ama khilaafsan.Alle isagaa ku keliyeystey
inuu dadka aakhiro ku kala saaro,ciddii sheegata inay ayadu garsoore tahayna
ilaahnimo ayey sheegteen.Kala saaridda
dadka diinta isku haya waxaa iska leh cid B)loo ogyahay aqoon buuxda oo
labada qolo ee is-haysaa ku kalsoon yihiin T)dhexdhexaad ah oo aan lagu
xaglinayn qolo gaar ah J)cid aan laga hor imaan karingoaankeeda.Shuruudahaas waxaa buuxin kara Alle,waana sababta uu ugu
keliyeystey kala saarista dadka iskhilaafsan.Tiro male inta aayadood oo
Quraanka Kariimka ah oo arrintaas caddaynaya.
Halista labaad ee Salafiyadu waa u dagaallanka waxay ugu yeeraan dawlad
“islaami”ah.Taasi waa khayaano cad oo ay ku doonayaan inay awoodda faraha
ku dhigaan.Sideedaba dawlad iyo islaam
isma qabsadaan.Dawladdu waa cidda haysa awoodda siyaasadeed ee
dal,dawlad islaami ahna waxaa looga jeedaa dawlad Alle xilka u
dhiibay.Dawladda Alle xilka u dhiibay waxay dabcan leedahay awood
ballaaran,mucaaradna laguma noqon karo.Salafiyadu waxay dawladda
“islaami”u aqoonsan yihiin marka ayagu talada hayaan.Isku lifaaqa “dawlad”
iyo “islaam” waa khayaano loogu talogalay in dadka
muslimiinta looga dhaadhiciyo inay taageeraan xukun raadinta
Salafiyada.Waxay dadka ugu sheekeeyaan in dastuurka keliya ee la
oggolyahay yahay Quraanka,taasna waa inay meesha ka
saaraan la xisaabtan hadday talada qabsadaan,marka ay u dagaallamayaan
xukunkana ku doodaan inay u dagaallamayaan in dastuurka Alle la raaco.Dad
badan oo muslimiin ah oo khayr doon ah ayaa
lagu duufsaday shirqoolkaas.Alle wuxuu na faray in dadka taladu ka dhexayso
wada tashadaan(Alshuuraa),dastuurkuna waa waxa lagu heshiiyo
wadatashigaas.Dawladda Salafiyadu
rabto waa mid u eg boqortooyooyinkii Umawiyiinta iyo Cabbaasiyiinta oo hal
nin wuxuu doono sameyn jiray,hantidana keligii iska lahaa.Waana u jeeddada
magaca Salafi.Waxay rabaan inay
taariikhda gadaal u celiyaan,taasoo khilaafsan sunnada Alle dunida u dejiyey
oo ah in bulshooyinku horay u socdaan,maalin kastana wax cusub
kororsadaan.Salafiyadu ku guulaysan mayaan waxa ay
rabaan,waxayse ku guulaysanayaan in dalka ay ku xoogaystaan laga qaxo
ama silic iyo baqdin joogto ah loogu noolaado.Diintii Alle naxariista ahayd
waxay u beddeleen mid laga dhaxlo
dagaal,burbur,saboolnimo iyo dib u dhac.Taas ayaa keentay in maanta dadka
adduunka qaxootiga ka
ah ay intooda badani muslimiin yihiin,dalalkoodana uga soo carareen
dagaallada Salafiyada.
Waxyaabaha kale ee Salafiyadu caanka ku tahay waxaa ka mid ah la
dagaallanka aqoonta dabiicadda iyo waxbarashada oo qaarkood sida Boko
Xaraam xaaraamaynayo,intooda badanise yasayaan oo
dhallinyarada ku guubaabinayaan inaysan waqtigooda isaga dhumin
adduunyo.Ujeeddadu waa inay helaan bulsho la duufsan karo oo wixii la
doono si fudud loo gelin karo.Aqoontu waa iftiin,dadka
aqoonta lehna wax kasta lagama dhaadhicin karo.Midda kale wax horumar ah
lagama yaabo inuu ka
hirgalo dal aan aqooni ka jirin,maantana dunida waxaa lagu kala hormaray
waa aqoonta.Dalka
Salafiyadu ku xoogaysato laga heli mayo aqoonyahanno,intii horay u
joogteyna way ka qaxayaan
haddaan ka hor la dilin.
Sidoo kale waxay aad ula dagaallamaan isticmaalka caqliga.Waxay meel diinta iyo caqligu wada socon karin,adeegsiga caqliguna gaalnimo
horseedayo.Waxay ardadooda
baraan hadal oranaya;haddii diintu caqli tahay,khufka hoos baa la masixi
lahaa.Immisa aayadood oo
Quraan ah ayaa dadka ku boorinaya inay fekeraan oo caqli
isticmaalaan.Caqligu waa iftiin,Allena
diinta wuxuu usoo dejiyey noole caqli leh.Waxaana laga sheegay nin
indheergarad ah;Alle asagaa
dadka caqliga siiyey,diin caqligaas ka hor imaanaysana uma soo dejiyo.Alle
wuxuu Quraanka ku
sheegay in khalqiga Alle ay ugu shar badan yihiin kuwa aan caqliga
adeegsan(Al anfaal 22).
Salafiyadu waxay caqliga ula dagaalayaan si dadku u noqdo xoolo meeshay
doonaan u
kaxaystaan,markay rabaanna bumbo dhexda ugu xiraan si uu ugu fuliyo
danahooda gurracan oo Alle
iyo diintiisaba kasoo horjeeda.
Waayahan waxay u kala qaybsameen dhawr kooxood ka dib markii
wadaaddada khaliijka ee soo
dirsaday lacagtana siiya ay qaybsameen.Waxa la isku haystaana waa
waddada loo marayo si talada
loo qabsado,ee wax kale maaha,waana sababta ay dadka kale oo dhan u
gaaleysiiyaan Shabaab
mooyee.Taasi waxay keentay in lala baxo magacyo cusub sida Alictisaam,Dam jadiid,Alshabaab iyo
kuwo kale.Ayaga ayaa hadda middi isla raadinaya,markaas ayaad maqlaysaa
kuwo qaylinaya oo ka
digaya in dhiigga muslimiinta la daadsho,muslimiinta ay sheegayaanna waa
iyaga ee ma ay kala jecla
dadka kale ee aan Salafiyada ahayn!
Dunida islaamku maanta waxay ku jirtaa xaalad aad u adag xag
dhaqaale,siyaasadeed,milateri iyo
horumarba.Waxaa taasi dhalisay in laga qaxo dhulalka muslimiinta,malaayiin
qofna ay diinta ka
baxayaan.Magaca diinta iyo dadka haysta ayaa lagu wasakheeyey dhiig lagu
daadinayo magaca diinta
waana waajib qof kasta saaran inuu barto diinta inta uusan ka qayb qaadan
dagaallada magaca
diinta loo adeegsanayo.Dhallinyarada diinta ka shakiday ama ka baxday
waxaan kula talinayaa
inaysan u qaadan in diinta islaamku tahay sida Salafiyadu u fahamtay.Ha
degdegina ee baaritaan
sameeya xataa hadday idinku qaadato noloshiinna oo idil.Alle asagaa ballan
qaaday inuu hagayo
qofka run doonka ah(Al cankabuut 69),Allena ballantiisa kama Ugu dambeyn,waxaan kula talinayaa salafiyada inay dadkooda ka mid
noqdaan,oo joojiyaan
burburka dalka iyo xasuuqa dadka.Qaar badan oo idinka mid ah niyad fiican
iyo xamaasad diineed
ayaa wadda,laakiin ogaada dembi la galo kan ugu weyn waa in ilaahnimo la
sheegto iyo in qof si
xaqdarro ah lagu dilo.Maxaad oran lahaydeen haddii Suufiyadu hub qaadato
oo dadka ku qasabto
inay suufi noqdaan?Waxaan hubaa inaad taas waalli u arki lahaydeen,kana
dagaali lahaydeen.Ma
jirto koox xaq u leh inay dadka ku qasabto fikirkeeda iyo sida ay diinta u
fahmeen.
Q:CabdiRaxmaan C.Xaashi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here