Sawirro: Xaaladda Soobe qaraxyadii khasaaraha badan sababay ka dib

0
23

Weli waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay labo qarax oo Sabtidii lala eegtay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ee ku taalla isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dhowr meyd oo kale ayaa burburka laga soo saaray maanta, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka, tirada dhimashaduna waxay hadda mareysaa 120 qof.

Kuwani waa qaar ka mid ah sawirradii laga qaaday goobta ay musiibadu ka dhacay, waxayna muujinayaan sida ay xaaladdu noqotay qaraxyada ka dib.

Sawirka hoose waxa uu muujinayaa qaar ka tirsan dadka deegaanka oo 30-kii October,2022 isla wada haraadiga meydka qof ku dhintay qarixii gaariga loo adeegsaday ee 29-kii October,2022 lala beegsaday xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee ku taalla isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Qaadidda meydadka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Sawirka hoose waa dhisme ku burburay qaraxyadii 29-kii October, 2022 ruxay magaalada Muqdisho. Khasaare badan ayaa ka dhacay, isla dhismahan muuqda ayaana laga soo saaray meydad iyo dhaawacyo.

Dhisme burburay

Askar ka tirsan ciidanka amniga iyo gawaarida gurmadka degdegga ah ee ambalaasta ayaa ka muuqda sawirka hoose, waxayna ku sugan yihiin goobta ay ka dhaceen qaraxyadii isgoyska Soobe ka dhacay 29-kii October, 2022 ee lala beegsaday dhismaha wasaaradda Waxbarashada.

Goobta qaraxyadu ka dhaceen

Aragtida guud ee saameynta ay qaraxyadii Sabtidii dhacay ku yeesheen waddada hor marta daarta Soobe. Waxaa sawirkan hoose laga arkayaa taallada qarixii hore ee Soobe ka dhacay bishii October ee sanadkii 2017.

Saameynta qaraxyada

Burbur aad u weyn ayaa ka dhashay labada qarax ee is xigay, oo sidoo kale sababay dhimasho iyo dhaawac badan, sida ka muuqata sawirka soo socda. Waxa sii kordhaysa tirada dadka ku dhintay qaraxyada, waxana saacaddihii ugu dambeeyay maydad kale laga soo saaray dhismayaasha ku burburay qaraxyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here