Real Madrid Oo Hoggaanka LaLiga Kusii Dheeraysatay Guul-darro Ay U Xambaariyeen Real Betis Oo Ku Dhegsanayd

0
24

Kooxda kubdda cagta Real Madrid ayaa sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, iyaga oo guul ku furtay kulankii koowaad ee ay ku ciyaareen garoonka Santiago Bernabeu oo saddexdii ciyaarood ee hore ay ka maqnaayeen.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen xiddigaha da’da yar ee reer Brazil ee Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes ayaa Real Madrid siiyey guul ay kula dabbaal-dageen taageereyaashooda markii koowaad xilli ciyaareedkan yimid Santiago Bernabeu.

Gool uu waqti hore ku aftaxay Vinicius Junior iyo mid uu qaybtii labaad raaciyey Rodrygo ayay kaga dul-tallaabsadeen Real Betis oo ay iska reebeen maadaama ay hoggaanka horyaalka wada hayeen, iyada oo gool uu u dhaliyey Sergio Canales ay awoodi waayeen in ay ku daraan mid kale

Los Blancos oo inta badan ciyaarta daadihinaysay ayaa fursaddii koowaad ee ay heshay gool u beddeshay. Kubbad uu David Alaba difaaca kasoo tuuray ayuu u dhaafiyey difaacyahannada, waxaanu orod kusii dhaafay Gonzalez ka hor intii aanu goolhaye Rui Silva sii dhaafin.

Vinicius Junior ayaa sidoo kale helay laba fursadood oo kale oo dahabi ahaa qaybtii hore balse waxa uu laa seegay goolka isaga oo mid ka mid ah bannaanka kaga toogtay oo dul-mariyey.

Sergio Canales oo ayaa Real Betis u keenay goolka barbarraha daqiiqaddii 17aad, isaga oo kubbad uu dhulka mariyey ku toogtay goolhaye Thibaut Courtois oo uu lugihiisa kasii dhex saaray isla markaana u weydaariyey shabaqa.

Karim Benzema ayaa laba kubbadood oo halis ahaa la seegay goolka ka hor intii aanu Rodrygo Goes daqiiqaddii 65aad hoggaanka kusoo celinin kooxdiisa, isaga oo goolhaye Rui Silva weydaariyey kubbad uu caawinteeda lahaa Fede Valverde oo beddel kusoo galay. Luka Modric ayaa dabad xooggan laga badiyey, halka mid kale oo ay birta ku garaaceenna ay iska difaaceen Real Betis.

Real Madrid ayay guushu ku raacday 2-1, waxaanay sii dheeraysteen hoggaanka horyaalka oo ay ku hayaan 12 dhibcood halka Real Betis oo labaad u dhacday ay haysato 9 dhibcood, halka Barcelona oo caawa ciyaaraysa ay saddexaad fadhido oo ay haysato 7 dhibcood.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here