Madaxweynihii hore ee Ukraine oo dunida u jeediyay labo talo oo ku saabsan Putin

0
24
Petro Poroshenko

Madaxweynihii hore ee dalka Ukraine, Petro Oleksiyovych Poroshenko, oo ka mid ah ciidanka hubeysan ee Ukraine ka difaacaya weerarka Ruushka, ayaa sheegay in uu shacabka waddankiisa iyo caalamka intiisa kalbe u hayo labo talo.

Wareysi uu siiyay barnaamijka habeennimo ee BBC-da ayuu farriin ugu diray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, xilli xukuumadda Moscow ay sii waddo dagaalka ay ku damacsan tahay inay ku qabsato Ukraine.

Isagoo ku labisan dharka militeriga, si cadho lehna u hadlaya, ayuu Mr Poroshenko ee eedeymo xoog leh u jeediyay Putin.

“Aniga ayaa muddo shan sano ah wadaxaajood kula jiray madaxweynaha Ruushka. Qodobka koowaad, fadlan ha aaminina Putin, sababtoo ah ma aha nin ballanta ilaaliya, qodobka labaadna, haka cabsanina Putin. Wax naga barta annagoo reer Ukraine ah. Kama cabsanno Putin, waan hor istaagnaa Putin,” ayuu yidhi Poroshenko.

An Ukrainian soldier keeps position sitting on a ZU-23-2 anti-aircraft gun at a frontline, northeast of Kyiv on March 3, 2022.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Ciidamada Ukraine ayaa iska caabbin xooggan kala hor tagay militeriga Ruushka

Farriin uu si gaar ah ugu diray Putin ayuu ku yidhi: “Naga qabsan meysid Mariupol, fadlan i rumeyso, nagama qabsaneysid Kharkiv, nagama qabsaneysid Kyiv. Putin, iska illow arrintaas. Qarankeenna oo dhan ayaa ka guuleysanaya Putin.”

“Wuu na hareereyn karaa, wuuna naga damin karaa nalalka, balse ma dili karo nafta reer Ukraine,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Kolonyo gaadiidka dagaalka ah ayaa ku dhawaad labo maalmood ku xanniban meel u dhow magaalada caasimadda ah ee Kyiv, iyagoo aan la ogeyn in ay wax qabsadeen iyo in ay xeelad dagaal u istaageen.

Petro Poroshenko ka hadlaya ayaa BBC-da ku yidhi: “Putin waxa uu isku dayayaa in haddii uusan Kyiv qabsanin xitaa uu hareereeyo. Annaga ayaa hakinnay, Putin muddadii saddexda maalmood ahayd ee ugu dambeysay wax guul ah kama uusan gaarin weerarkiisa.”

Poroshenko

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

line

Madaxweynihii hore ee Ukraine ayaa dhanka kale beesha caalamka ka codsaday in ay xoojiyaan cadaadiska iyo cunaqabateynnada ay saarayaan Ruushka.

“Fadlan aan sii kordhinno cunaqabateynta. Tusaale ahaan haddii aad cunaqabateyn ka saartaan adeegga SWIFT toddobo bangi oo Ruush ah, fadlan mamnuucidda saara guud ahaan hannaanka bangiyada ee Ruushka.

“Haddii aad kaararka bangiga ka mamnuuceysaan Putin iyo kuwa ku hareereysan, fadlan ka wada mamnuuca dhammaan qof kasta oo koonto leh oo Ruushka jooga, sababtoo ah dadka Ruushka ayaa arrintan ku taageersan,” ayuu yidhi.

Dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine ayaa ku jira maalintii siddeedaad, tan iyo Khamiistii hore ayuuna qalalaase iyo burbur xoog leh ka socdaa magaalooyinka Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here