Iska Illow Messi Iyo Lewandowski: Toni Kroos Oo Magacaabay Xiddiga Iska Lahaa Ballon d’Or Sannadkan

0
25

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Toni Kroos ayaa noqday ciyaartoygii ugu dambeeyey ee kasoo horjeedsaday in abaal-marinta Ballon d’Or ee xalay la guddoonsiiyey Lionel Messi.

Toni Kroos ayaa ku dooday in haba-yaraatee aanu Lionel Messi u qalmayn abaal-marintan Ballon d’Or, waxaana uu sidoo kale u diiday Robert Lewandowski oo kaalinta labaad ka galay codbixinta iyo Jorginho oo aanu isagana soo qaadin.

Advertisements

Laacibkan oo ayaa waxa uu sheegay in saaxiibkiisa Real Madrid ee Karim Benzema uu iska  lahaa abaal-marinta sannadkan oo uu u qalmayay, hase yeeshee wax shaki ah ma gelin tayada Lionel Messi.

“Haba-yaraatee uma qalmayn Messi” Ayuu yidhi Toni Kroos oo intaa ku daray: “Shaki kuma in Messi oo lagu daray Cristiano Ronaldo uu ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, laakiin sannadkan waxa jiray ciyaartooyo kale oo ka horreeyey.

Aniga ahaan, Karim ayay ahayd koowaad noqdo haddii si dhab ah loo eegayo waxqabadkii shaqsiga ahaa ee sannadkiihore, sababtoo ah, waxa aan arki karayaa inuu ahaa ciyaartoy heersare ah.”

Karim Benzema oo uu Toni Kroos la doonayay xiddignimada sannadka ayaa galay kaalinta afraad, waxaanu ka dambeeyey Messi, Robert Lewandowski iyo Jorginho.

33 jirkan ayaa xilli ciyaareedkan socda waxa uu dhaliyey 16 gool 18 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay, kuwaas oo ay ku jiraan shan gool oo uu ka dhaliyey Champions League iyo 11ka kale oo uu ka dhaliyey 13 ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah.

Si kastaba, Karim Benzema waxa uu ka sarreeyey N’Golo Kante, Cristiano Ronaldo, Mohamed Salah, Kevin de Bruyne, Kylian Mbappe iyo Gianluigi Donnarumma oo kala galay kaalmaha shanaad illaa tobnaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here