Haaland wuxuu u dhigmaa Ronaldo, Zlatan Ibrahimovic iyo xiddigo kale

0
25
Haaland

Waxaa laga yaabaa dad badan inay u ahayd kulankii Manchester derby, balse Erling Haaland waxay u ahayd ciyaar kale iyo rikoor kale oo la jebiyay.

Saddexdii gool ee uu ka dhaliyay kulankii ay 6-3 kaga badiyeen kooxda Manchester United, oo marti ugu aheyd Etihad Stadium ayaa xaqiijisay in uu noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee saddex jeer oo xiriir ah saddexleey ku dhaliya saddex kulan oo marti loo ahaa.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee sidaas laga sameeyo horyaalka Ingiriiska ee Premier League-a

Ciyaartoygan 22 jirka ah ayaa goolal badan dhaliyay, waxaana lagu yaqaannaa dhalinta sadexleeyda. Kulankii ay la ciyaareen Manchester United, waxaa sidoo kale saddexleey dhaliyay ciyaaryahanka xulka Ingiriiska ee da’da yar, Phil Foden.

Gool-hayihii hore ee kooxaha Manchester United iyo City, Peter Schmeichel, ayaa BBC Radio 5 Live u sheegay in “markaad eegto Haaland, ay sidookale kaaga dhex muuqanayaan sadex ciyaartooy oo kala duwan sida Christiano Ronaldo, Zlatan Ibrahimovic iyo Filippo Inzaghi ”

 “Taasi waa sababta uu u yahay ciyaartooy aad khatar u ah, waxa uu awood u leeyahay in uu u ciyaaro sida weeraryahanno badan oo heer sare ah”, ayuu intaas raaciyay.

Tirada goolashiisa waa kuwo cabsi abuuraya

 Haa, “ma xuma”, ayay ahayd jawaabtii Haaland markii Sky Sports ay wax ka waydiisay qaab ciyaareedkiisii ​​kulankii Derby-ga ahaa.

 “Waxaan dhalinnay lix gool, waxaan oran karaa, inaan ku badinno gurigeenna welibana aan ku dhalino lix gool, waa wax wanaagsan, waa wax cajiib ah,” ayuu raaciyay.

Inta badan waxa ay nasiib “wanaagsan” u ahayd Haaland tan iyo markii uu ku soo biiray City. Tababare Pep Guardiola ayaa sheegay in tirada goolasha uu dhaliyay ay tahay “wax laga baqo”.

Haaland ayaa waxaa uu dhaliyay 19 gool, 13-kii kulan ee ugu dambeeyay oo uu u saftay kooxda Manchester City, waxaana ugu dambeeyay labadii gool ee uu dhaliyay kulankii ay City Arbacadii kaga hor tagtay Copenhagen, kulan ka tirsanaa horyaalka Champions league-a.

Waxa uu durbaba dhaliyay seddex gool 8-dii kulan ee ugu horeeyay Premier League, in ka badan rikooradii ay horey u dhigeen Mick Quinn, Papiss Cisse iyo Diego Costa kaddib 10 kulan oo ay ciyaaren.

Goolkii 9-aad ee 5-tii kulan ee ugu horeeyay ayaa waxa uu ka dhigay gool dhaliyaha ugu sarreeya, bishii Agoosto, si ka duwan xilli ciyaareed kasta oo premier League ah.

Ciyaaryahanka afka hore ka dheela ee reer Norway ayaa sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee gool dhaliya afartii kulan ee ugu horeysay oo ay ku ciyaaraan meel ka baxsan garoonkooda, horyaalka Premier League, waana ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee 25 gool ka dhaliya horyaalka Champions League.

“Weligay saddexleey ma dhalin seddex kulan oo aan ku ciyaarnay gurigeenna, waa wax cajiib ah,” Haaland ayaa sidaa ku yiri BBC Radio 5 Live.

“Kalsoonidu waa wax wanaagsan, kaddib markii aan guuldarro kala kulannay Liverpool, koobka Charity Shield, waxaan soo bandhignay qaab ciyaareed wanaagsan, way fiicneyd markii uu kulankaan yimid, waxaanna ogaa inay tahay inaan u diyaargaroobo,” ayuu yiri.

Haaland wuxuu jabin doonaa rikoor uu horey u dhigay Shearer.

Haaland

Heerka gool dhalinta Haaland ayaa  hoorseeday in weeraryahankii hore ee Chelsea Chris Sutton uu BBC Radio 5 Live ka yiraahdo “waa nin mucjiso ah.”

Waxa uu sidoo kale la barbar dhigay weeraryahankii hore ee Blackburn Rovers, Alan Shearer, kaasoo weli heysta rikoorka goolasha ugu badan ee Premier League isagoo dhaliyay 260 gool.

“Haddii Haaland uu sii joogo, rikoorka Shearer waa la jebin doonaa, ma hubo in Harry Kane uu halkaas gaari doono, ninkaan wuxuu dhaliyay goolal badan,” ayuu yiri Sutton.

Daaficii hore ee xulka Ingiriiska, Jonathan Woodgate ayaa isna waxaa uu yiri, “Haddii Manchester City ay Haaland heysan laheyd xilli ciyaareedkii hore, waxay ku guuleysan lahaayeen koobka Champions League.”

 Saddexleeyda u gaarka ah Foden

Phil Foden

Haaland ma ahayn keliya qofka la hadal hayay Axaddii, waxaa sidookale saddexleey dhaliyay ciyaaryahanka Phil Foden ee ka qalin jabiyay jaamacadda.

Markii uu jiray 22 sano iyo 127 maalmood, wuxuu sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gaara 50 gool iyadoo uu weli kooxda hogaaminayay tababare Guardiola, taas oo keentay inuu ka hor maro Lionel Messi.

“Saddexleeyda uu dhaliyay ciyaaryahankan waa mid gaar ah,” ayuu yiri daaficii hore ee City Micah Richards oo u warramay Sky Sports.

 Tabaabare Guardiola ayaa isna yiri, “Hammigiisa, habka uu u ordayo, waa wax gaar ah. Wuxuu u qalmaa inuu ciyaaro mar kasta. Waa ciyaaryahan da’yar oo wax walba u qalma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here