Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Fariin Waano ah u Diray Bahda Warbaahinta Somaliland

0
209

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa si gaara fariin ugu diray warbaahinta dalka, waxaanu ugu baaqay inay dalka iyo dadka u tudhaan kana dhawrsadaan wararka xaqiiqada ka fog ee hurinaya colaadaha.

Waxa uu ka codsaday in ay ka qayb qaataan sidii gurmad loogu fidinlahaa dadka barakacay isla markaana nabadgelyada looga wada shaqaynlahaa.

Sidoo kale waxa uu ku adkeeyay in ay Afkooda xidhaan mudada ay taagan tahay xaalada magaalada Laascaanood, waxaanu codsaday in wixii ay tabinayaan uu noqdo wax bulshada isu soo jiidaya, isla markaana ka qayb qaadanaya daaweynta iyo xal u helista xaalada Laascaanood.

Waxaanu yidhi.“Saxaafadda waxaan leeyahay xilka golayaasha Qaranka saran mid le’egba idin saaran idinka waliba ka Af-dheer, dhibaatada maanta jirta intay socoto Afkiina inaad xidhaanba loo baahanyahay, oo eraygii idinka soo baxaaba eray miisaaman oo wax daweynaya uu noqdo, ee yaanu noqon mid aad warbaahinta ku iibinaysaan.

Mid wax daweynaya oo nabada aad kaga qayb galaysan ayaa horta waajib idinku ah, warbaahintu waxa ay ka mid yihiin hay’addaha Qaranka oo waliba kuwooda ugu Af-dheer, marka xilka qaata, wixii kale ee aynu isku jiidjiidanayno aynu isku jiidjiidano, balse xaalada waddanka ka taagan aynu meel uga soowada jeesano, ama daryeelka dadkeena barakacay ha ahaato, ama xabad-joojin ha ahaato,”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here