Fannaanka jiidda hore ee dagaalka ku jira ee marna qoriga qaata marna guubaabiya askarta

0
23
Slava Vakarchuk

Markii uu dagaalka billowday, ayuu isu diiwaan galiyey inuu ku biiro ciidanka dagaalka kula jira Ruushka, iyadoo markaa kadib lagu amray inuu tago furimaha hore, oo uu halkaas ciidanka ugu heeso.

Kooxdan ayaa si weyn caan uga ah Ruushka iyo wadama kale, oo horay uga mid ahaan jiray Midowgii Soofiyeeti ee burburay, balse waxey heesaha ku qaadaan luqadda Ukraine.

Album-kii Bez Boyu ee aadka u gadmay caanna u noqday, oo ay kamid ahaayeen suugaan dadka ku dhiiri galineysa inaan la is dhiibin xaalad kastoo culus oo lagu jiro, ayaa noqotey heesta rasmiga ah ee qaran, ee loo adeegsado abaabulka iyo dagaalka iska caabinta.

Kooxda Okean Elzy ayaa waxey haatan ku jiraan socdaal caalami ah, iyagoo qalbiga ku haya dagaalka dalkooda lagu hayo meel kasta oo ay joogaan.

Kooxda Slava ee la yiraahdo Okean Elzy, waa tan ugu caansan kooxaha sameeya heesaha qoob ka ciyaarka dalka Ukraine.

Ka dib markii Ruushku uu kusoo duuley dalka Ukraine, Slava ayaa si is xilqaan ah wuxuu ugu biirey ciidamada Ukraine ee ku jira jiidda hore ee dagaalka.

“Waxaan tagay goobihii la isku diiwaan galinayey, waxaana u sheegay iney i qoraan, si aan ugu biiro si mutawacnimo ah ciidanka la dagaalamaya Ruushka,” ayuu yiri Slava Vakarchuk.

“Waxey igu yiraahdeen, haatan wixii ka danbeeya waxaad kamid tahay ciidanka, laakiin habka ugu wanaagsan ee aad uga qeyb qaadan karto, waa inaad sameyso wixii aad sameyn jitey, ee ah inaad u heesto ciidanka oo aad guubaabisaa.”

“Inaan sidaasi usoo bandhigno heesaha gubaabada ah waxey aheyd codsi dhanka kooxda ka yimid, iyo sida uu na farayey waajibaadka ina saaran. Kama baqeyno madaafiicda, mana baabi’in karaan riyadeenna.”

Askarta oo uu guubaabinaya fannaanka

Fannaanka ayaa sheegay inuu bilaabay inuu heeso kusoo bandhigo meelo kala duwan, gaar ahaan jiidaha hore ee ay ku sugan yihiin ciidanka, deegaanada la burburiyey iyo isbitaallada.

“Waxaa imaan doonta maalin uu dagaalku soo gaba gaboobi doono.”

Fannaan Slava, oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamey in waalidiintooda ay soo gaarsiiyeen akhbaarta sidii loo duqeeyey magaalooyinka London iyo Coventery, iyo goobo kale oo ku yaalla Ingiriiska.

“Ingiriiska, sanadihii 1940-kii illaa iyo 1941-kii, oo dabcan ku beegan xiligii uu socday dagaalkii labaad ee dunida, waa taas waxa aynu haatan wajahayno.”

Waxa uu sheegay in markii ugu horeysay uu hees ka qaaday goob dhulka hoostiisa ah oo ku taalla Kharkhiv, halkaasoo ay ku dhuumanayeen dad fara badan.

 Kooxda Okean Elzy, ayaa safarro ku tago qaaradda Yurub, markii ugu horeysay tan iyo markii uu billawdey dagaalka ka aloosan dalka Ukraine.

Fanaan Slava, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhibaatada ka jirta dalkiisa cod dheer, oo farriin adag xambaarsan lagu gudbiyo.

.

Fanaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la is weeydiiyo waxa uu ku saabsan yahay dalka Ukraine, oo dunida laga codsado in si guud xal loo helo dagaalka.

Waxaa sidoo kale jira heeso uu fanaan Slava uu u qaadey qaxootiga.

Mid kamid ah heesahan, ayaa waxaa la yiraahdaa Vse Bude Dobre, taasoo macnaheedu yahay, in wax waliba hagaagi doonaan.

Waxa uu sheegay in  mar waliba uu heestan kusoo gaba gabeeyo heesaha uu qaado.

Slava, ayaa ku adkeystay in heesahan ay si qoto dheer uga turjumayaan xaaladda iyo duruufaha dadka qaxootiga ay kusugan yihiin, taasoo ah in maalin walba lagu cel celiyo in mar un laga bixi doono dhibaatada taagan.

Fannanka, ayaa haatan rumeysan in dadka reer Ukraine in dadaalada ay sameynayaan ay yihiin kuwo wax ku ool ah.

Fanaanka, ayaa kula dardaarmey dadweynaha reer Ukraine in dowladda iyo dadka dalkiisu guuleysan doonaan, isagoo huwiyey duco iyo ammaan, waxa uu ugu yeeray geesiyada ku jira dagaalka iyo furimaha hore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here