FADEEXAD: Daawo Muuqaalka Laga Baahiyay Jack Grealish Oo Cabsan Oo Gacanta La Hayo

0
27

 

 

saxeexa ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta England oo dhan ee Jack Grealish ayaa markale lugaha la galay ceeb weyn iyadoo baraha bulshada lagu baahinayo muuqaalo laga qabtay.

Grealish ayaa waayihiisa ciyaareed soo dhex galay arrimo badan oo uu eedaymo kula kulmay, tusaale ahaan inuu shil gaadhi galay maalmo kaddib markii uu bulshada kula taliyay inay guryahooda joogaan wakhtigii uu dilaacay caabuqa Korona Fayras.

Sidoo kale Jack ayaa caan ku ah xafladaysiga, dhawaan ayay ahayd markii tababare Pep Guardiola uu ku ganaaxay isaga iyo Phil Foden inay wakhti badan kusoo qaateen baar.

Si kastaba, muuqaalka baraha bulshada ku jiray saacadihii ugu dambeeyay ayaa muujinaya isaga oo la socda asxaabtiisa kooxda ee Riyad Mahrez iyo Kyle Walker oo iyagu u muuqda ku

wo caadi ah iyo Grealish oo aad uga soo dhargay khamri ilaa uu gaadhay heer la hoggaamiyo oo gacanta la qabto

Jamaahiirta kubadda cagta ayaa is weydiinaya haddiiba khubarada iyo saxaafada ree England ay dhacdadaas u buun-buunin doonaan sida qaladaadka intaas ka yar yar ee ka dhaca xiddigaha islaamka amaba madawga ah.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here