Dagaalkii Barcelona Iyo Real Madrid Oo Dib U Bilaabmay & Xiddiga Isku Diray

0
24

 

Kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa jabinaya heshiiskii ay dhowaanta wada gaadheen Joan Laporta iyo Florentino Perez ee ahaa in ay is nabad-geliyaan, isla markaana aanay isku shidin marka ay suuqa ka doonayaan ciyaartooyo kale.

Labadan kooxood ee ay ka dhaxayso cadaawadda aan dhamaadka lahayn ayaa waxay hadda isku diyaarinayaan dagaal dhinaca suuqa ah oo ay doonayaan in ay isku muquuniyaan, waxaana foodda isku gelinayaa xiddig ka tirsan kooxda reer Germany ee Bayern Munich oo ay mid walba u aragto in uu iyada kusoo

Sida ay sheegeen Sky Sports iyo Fichajes, Bayern Munich ayaa quus ka taagan garabkeeda weerarka ee Serge Gnabry oo iska diiday in uu heshiiska u kordhiyo kooxda, isla markaana diyaar u ah inuu ka baxo Allianz Arena.

Gnabry oo sannadkii 2017kii ay Bayern Munich kala soo wareegtay Arsenal ayaa galay 18kii bilood ee ugu dambeeyey qandaraaskiisa, waxaana uu go’aankiisu yahay in uu meel kale tago, inkasta oo ay Munich qabto rajo ah inay qancin karto laacibkan.

26 jirkan ayaa ka cadhaysan in uu aad uga mushahar yar yahay labada ciyaartoy ee ay isku lodka yihiin ee Kingsley Coman iyo Leroy Sane oo sannadkii u xaadira min €15 milyan oo Euro oo aanay ku jirin lacagaha gunnooyinka ah.

Serge Gnabry oo afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey dhaliyey ugu yaraan min toban goiol oo horyaalka ah iyo goolal kale oo tartamada kale ah, ayaa lagu soo warramayaa in uu doonayo inuu dibedda uga baxo Bundesliga oo uu ka ciyaaro meel kale.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa la sheegay in ay si dhow ula socdaan xaaladda laacibkan oo Bayern Munich ay ka fiirsanayso in ay iibiso xagaaga haddii uu inta ka horreysa heshiiska cusboonaysiin waayo.

Madrid iyo Barcelona ayaa uu warku sheegay in ay mid walba dhinaceeda ugu ordayso sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd laacibkan dedaalka badan, waxaanay Laporta iyo Perez illoobayaan heshiiskii ay dhowaanta kala saxeexdeen ee ujeeddadiisu ahayd in lagu yareeyo xafiiltankii iyo colaaddii labadan kooxood u dhaxaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here