Home Sports Daawo Taageerayaasha Man City Oo Madaxa Ka Feeray Xiddig Aston Villa Ah...

Daawo Taageerayaasha Man City Oo Madaxa Ka Feeray Xiddig Aston Villa Ah Markii Ay Garoonka Ku Soo Duuleen

0
24

Kooxda Manchester City ayaa ka raaligelisay goolhayaha Aston Villa Robin Olsen oo madaxa ay ka feereen qaar ka mid ah taageerayaasha Man City ee garoonka ku duulay markii ay ciyaarta dhamaatay.

Jamaahiirta Man City ayaa garoonka dhexdiisa iska soo buuxiyay ka dib markii la xaqiijiyay inay ku guuleysteen koobka Premier League iyagoo 3-2 kaga badiyay Aston Villa.

Ciyaartoyda labada kooxood ayaa durbadiiba garoonka isaga baxay iyadoo saraakiisha amaanka ay isku dayayeen inay ka celiyaan taageerayaashii garoonka ku duulay.

Laakiin goolhaye Olsen oo ka soo socday goolkiisa ayaa waxaa dhowr jeer madaxa ka feeray qaar ka mid ah taageerayaashii City ee garoonka soo galay iyadoo xitaa qof ka mid ah ilaalidiisa dhulka lagu dhuftay

Tababaraha Aston Villa Steven Gerrard ayaa ciyaarta ka dib wax laga weydiiyay weerarka lagu qaaday goolhayihiisa isagoo yiri:

“Waan eegi doonaa sida ay xaaladiisa tahay haatan, laakiin waxaan qabaa in su’aalahaan aad weydiisaan Pep iyo Man City.”

DAAWO MUUQAALKA:

 

 

City ayaa soo saartay warbixin raaligelin ah iyagoo sheegay inay baarayaan taageerayaashii feeray goolhaye Olsen islamarkaana ay talaabo ka qaadi doonaan.

“Manchester City waxay jeclaan laheyd inay si kal iyo laab ah u raaligeliso goolhayaha Aston Villa Robin Olsen, kaasoo la feeray ka dib markii ay soo dhamaatay ciyaartii maanta oo taageerayaasha ay garoonka soo galeen.

“Kooxda waxay bilowday baaritaan degdeg ah, marka la ogaado shaqsiyaadkii ka danbeeyay waxaa abid laga mamnuuci doonaa garoonka.”

Villa ayaa lagu waramayaa inaysan wax cabasho ah u gudbin doonin maamulka Premier League oo la xiriirta dhacdadaan.

Dhacdadaan waa midii ugu danbeysay ee ay taageerayaal ku weeraraan ciyaartoy kubada cagta Ingariiska, waxaana lagu baaqayaa in sharci adag laga soo saaro taageerayaasha ku carara garoonka dhexdiisa marka ay kooxdooda gaarto natiijo weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here