Chelsea Oo Guul Soo Laabasho Ah Ka Gaadhay West Ham Oo Uu Ka Seexday Goolhaye Fabianski

0
24

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul soo laabasho ah kasoo gaadhay West Ham United oo ay marti u ahayd, waxaanay kusoo dishay laba gool oo waqti dambe ay ka dhaliyeen Ben Chilwell iyo Kai Havertz oo beddel kusoo galay, kulan kusoo dhamaaday 2-1 oo ay West Ham goolka la hormartay.

Difaaca bidix ee reer England ee Chilwell ayaa noqday shimbir caawimo ka helay Fabianski oo siiyey fursad uu goolka koowaad kaga dhaliyo, halka midka labaadna uu waqti dambe raaciyey Kai Havertz oo beddel ku yimid.

West Ham ayaa xajisan kari weyday hoggaanka oo ay qabatay qaybtii labaad ee ciyaarta, waxaanay ogolaadeen in saddex dhibcood ay gacanta ka saaraan Chelsea oo quus ahayd, isla markaana awoodi weyday inay jabiso derbiga difaaca Hammers 70kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta

 

Chelsea oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa waxa bandhiggeeda hoos u dhigay beddello badan oo uu sameeyey Thomas Tuchel oo kaydka dhigay Kai Havertz, Jorginho iyo Mason Mount oo ahaa rukumada shaqaynayay ee natiijooyinka keenayay xilli ciyaareedkan, halka uu tijaabiyey Christian Pulisic oo kursiga kaydku ka lumiyey qaab ciyaareedkii fiicnaa.

Daqiiqaddii 62aad ayuu Michail Antonio hoggaanka u dhiibay kooxdiisa West Ham isaga oo shabaqa ku leexiyey kubbad uu kasoo shaqeeyey Lucas Paqueta oo soo dhaafiyey goolhaye Mendy kaddibna u dhiibay Rice, waxaana VAR oo laga soo hubiyey ay ansixisay goolkan oo ay shakiga ka saartay.

Goolkan ayaa Chelsea u noqday mid u keenay firfircooni iyo dagaal ay qaadeen 20kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey oo ay libintana soo hooyeen.

Waqti badan kuma aanay qaadanin Chelsea inay ka daba yimaaddaan West Ham oo u muuqanataysay inay guusha niyadda gashatay oo ay seexatay, waxaana hurdadooda qayb ka noqday goolhaye Fabianski oo qabsan waayey shaqadiisa xilli ay kooxdiisu u baahnayd in uu la baxsado.

Ben Chilwell ayaa noqday shimbirka kooxdiisa ee sababtay guusha soo laabashada ah ee ay Chelsea kasoo gaadhay London Stadium, waxaana kubbad uu goolhaye Fabianski uu ka helay xerada ganaaxa uu aadyar dhinac ka dhigay goolhayaha oo ay ahayd in uu soo baxo oo uu kubadda badbaadiyo.

Chelsea ayaa si aad ah ugu dabbaal-degtay goolkan oo dhashay xilli 14 daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan yahay dhamaadka ciyaarta, waxaana uu Tuchel ku dhiirigeliyey ciyaartoydiisa in ay weerarka sii xoojiyaan.

GOOOOAAAALLLLL!!!!!! Chelsea ayaa la timid gool labaad. Kai Havertz oo beddel kusoo galay ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa dhamaadka ciyaarta oo ay laba daqiiqadood ka hadhsan yihiin uu dhaliyey goolka guusha ee kooxdiisa.

Kubbad ay kasoo shaqeeyeen Broja iyo Chilwell ayuu Kai Havertz ka helay goolka hortiisa oo uu birta agteeda ka dhaliyey.

West Ham ayaa kaga nixisay Chelsea gool waqti dambe ahaa laakiin VAR oo laga soo hubiyey ayaa ka diidday, waxaanay Chelsea guushu ku raacday 2-1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here