Xulka Senegal oo guusha koobka kaddib si wayn loo soo dhaweeyay

0
25
Team welcomed home by President

Xulka kubadda cagta ee Senegal ayaa soo dhaweyn ballaaran oo halyeynimo ah waxaa loo sameeyay markii ay dib ugu laabteen dalkooda kaddib markii ay markii ugu horraysay ku guulaysteen Koobka Qaramada Afrika.

Tobannaan kun oo qof, oo qaarkood ay gawaari ku dul fadhiyaan misana lulayaan calamo, ayaa waxa ay isugu soo baxeen si ay u soo dhaweeyaan ciyaartoyda markii ay soo cagadhigtaan Dakar iyagoo gacmahooda ku wada koobka ay soo qaadeen.

Madaxweyne Macky Sall ayaa ka mid ahaa dadkii ciyaartoyda soo dhaweeyay ee salaamayay.

Waxa ay aheyd xaflad lagu qabtay wadada dhexdeeda. Ma filaayo in Senegal weligood waxan oo kale ay ka dhaceen, ayey tiri weriyaha BBCda Emeline Nsingi Nkosi.

Dabaaldegyada ayaa waxa ay bilowdeen durbadiiba markii lagu dhawaaqay seerigii ugu dambeeyay ee ciyaartii habeenkii Axadda, ilbiriqsiyo kaddib markii laacibka kooxda Liverpool Sadio Mane uu xulkiisa u xaqiijiyay guusha taariikhiga ah ee ay ka gaareen gool ku laadyadii ay uga badiyeen xulka Masar.

Dadka ayaa isugu soo baxay waddooyinka Dakar, iyagoo qoob ka ciyaaraya oo bulaleer hawada u ganaya.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay markiiba ku dhawaaqeen in Isniinta ay maalin feesto qaran.

Senegalese fans celebrating
Debaaldagyo ayaa waxa ay ka bilowdeen magaalada Dakar kaddib markii xulkooda ay ka adkaadeen midka Masar
Jubilant crowds in Dakar
Barxadda taallada dib u soo noolaynta Afrika ayaa waxaa isugu soo baxay tobannaan kun oo reer Senegal ah si ay u daawadaan ciyaarta xulkooda uu la yeelanayo midka Masar

“Muddo dheer ayaannu arrintan sugaynay. Ugu dambayntii [koobkii] halkan ayuu yaal. Dhab ahaantii waynu u baahnayn,” taageere ay farxaddu ka badatay Modou Ba, oo 25-jir ah, ayaa u sidaasi u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Sidoo kale waxaa laga dabaaldegay caasimadda waddanka Faransiiska ee Paris, halkaas oo hoy u ah bulsho badan oo reer Senegal ah. Kumannaan qof oo taageerayaal dabaaldegaya ayaa isugu soo baxay fagaaraha caanka ah ee Arc du Triomphe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here